|

DAAWO: Saleeban Cali Bile: Gudidii soodhaweynta Madaxweyne Muse Biixi oo qabyaalad awgeed labo u kala jabay

San Diego (QJ) – Siyaasi Saleebaan Cali Bile oo ku sugan dalka Mareykanka kana mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan dalkaa ayaa nooga warbixiyay xaaladaha ku gadaaman safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku joogo Washington.
Saleebaan Cali Bile waxa kale oo uu nooga xog waramay hanaanka lagu kala qeybsamay ee soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu markii danbe sheegay in uu isu rogay qabyaalad.
Saleebaan waxa kale oo uu sawir ka bixinayaa ahmiyada iyo ujjeedooyinka isbarkan ee safarka madaxweyne Biixi iyo waxa ay uga dhigan tahay reer Somaliland Gude iyo dibeddba.
Siyaasigu waxa uu sidoo kale ka warbixinaya waxa ka dhalan kara siyaasada cusub ee Somaliland ee ku saleysan daandaansiga dal weynaha Shiinaha iyo waxa ka dhalan kara, siyaasadaa lagu micneeyay qar iska xoorka.

Comments are closed