|

“Dad badan ayaa ii yimi, waxay igu yidhaahdeen gurigaaga iskaga guur, Gurigaagu wuu yar yahay, Wasiirkii Maaliyadda ayaad noqotay ee fooq weyn halkaa ka kirayso,Aniguna Waxaan Ku Idhi… ” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ka warramay soo jeedimo layaab leh oo qaar ka mid ah Bulshadu u soo jeediyeen markii xilkaasi loo Magacaabay.

Soo jeedimahan oo dhammaantood ku qotoma sida musuqmaasuqu u sameeyay fikirka Dadka reer Somaliland, ayaa waxa ka mid ah in Dadka qaarkood u soo jeediyeen inuu ka guuro Guriga uu hadda deggan yahay isla-markaana kiraysto Fooq, maaddaama oo uu yahay Wasiirka Maaliyadda Somaliland, iyagoo aaminsan buu yidhi Wasiirka Maaliyaddu in Qofka Xil Wasiirnimo loo Magacabaa ay khasab tahay inuu ka nolol duwanaado Dadka kale ee Dalka kula nool ama uu Wasiirka u yahay.

Wasiirka cusub ee Maaliyaddu wuxuu sheegay in Dadka qaarkood ka faalloodeen Dharka uu ku lebisto isla-markaana kula kaftameen in aan la moodin Wasiir Maaliyadeed oo aanu xidhnayn Suudh qaali ah, laakiin arrimahaasi oo dhami yihiin khalad Dadku ka fahmeen Xilalka Dadka loo Magacaabayo.

Wasiir Yuusuf oo arrimahan iyo kuwo kale oo uu ka mid yahay qorshihiisa Horumarineed ee Wasaaradda Maaliyadda kaga hadlay kulan uu la yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa yidhi “Dad badan ayaa ii yimi, waxay igu yidhaahdeen gurigaaga iskaga guur, Gurigaagu wuu yar yahay, Wasiirkii Maaliyadda ayaad noqotay ee fooq weyn halkaa ka kirayso sidii Qof ka duwan Dadka. Waxaan ku idhi Gurigan anigaa leh oo dhistay berigaan ka shaqeynayey Shirkadaha waaweyn ee Caalamiga ah iyo Mashaariicdii aanu ka fulinaynay Wasaaradda Maaliyadda oo ay Maalgelinayeen Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Ingiriiska, gaar ahaan DFID.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Dad badan waxay yidhaahdaan markaad hadlayso hadalkaagu inuu Qurux badan yahay waa laga yaabaa, laakiin ma xidhnid Suudh Qurux badan oo afar Boqol oo Dollar ah oo lebiskaa kaa yar xun, iyadoo la moodayo in Qofkii Wasiirka noqday inuu Dadka ka dhex baxo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dad badan ayaa igu yidhi Xoghayayaasha iyo Askarta ba iska beddel oo ka dhigo qaar aad isku qolo tihiin, laakiin waxaan ku idhi ma wax Sir ah ayaan ka shaqeynayaa, sow waxaan ka shaqeynayaa maaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ay tahay in Dadka oo dhan aan u soo bandhigo. Laakiin waan ka diiday oo Askartu waa Askartii hore u joogtay, Xoghayeyaashuna waa kuwii hore.”

Wasiir Yuusuf waxa kale oo uu sheegay “Ganacsato badan ayaa ii timid iyaga oo iila yimid qorseyaal khaldan oo wax u dhimaysa habsami u socodka wasaaradda oo aan ka diiday..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxan ku dedaali doonaa in boos walba loo dhiibo qofka ku habboon, uma baahnin kan ayaan isku qolo nahay, reerkayaga ayaa booskan lahaa.”

Comments are closed