|

Somaliland: Doorashada Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaannada Oo Ka Mid Ah Caqabadaha Hor-yaalla Xukuumadda Cusub

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo Dawladaha Hoose oo loo muddeeyay in la qabto Sannadka 2019-ka, haddii Allaah yidhaahdo.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey kulan Is-barasho iyo Wada-tashi ah oo Golihiisa Wasiirrada uga furmay Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay in Dhibaatooyinka Hor-yaalla Xukuumaddiisa ay ka mid yihiin qabashada Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Dawladaha hoose ee Dalka, kuwaasi oo qorshuhu yahay in mar la wada qabto iyo weliba Golaha Guurtida oo Doorashadiisu hal Sanno ka dambayn doonto Doorashada Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhibaatooyinka ina hor yaallaa ma yara ee waxa kale oo aad ku darsataan qorshaha Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose waxa laynaga rabaa bisha March ee 2019-ka.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Doorashooyinka dib u dhacaa ay sii fogaynayaan ictiraafka Somaliland “Doorashadii Madaxtooyada ee aynu la raagnay sumcad weyn oo ictiraafkii intii la doonayey in badan inoo dhaweysa ayey qaadday, haddii ay taasi innagu daahdana waa aynu korodhsiimo kale galno waa dib u dhac kale” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ta kale, xaq ba maaha oo Wakiilladu waxay fadhiyaan laba iyo toban sano, Guurtiduna labaatan sanadood, dawladaha hoose na way sii durkayaan, markaa doorashadii inaynu sanad ku qabano ayaa la inaga doonayaa, waxaana innaga saari kari (Dhaqaale ahaan) ILAAHAY ha u gargaaree Wasiirka Macdanta iyo Batroolka haddii uu intaa wax inaga soo gaadhsiiyo.”

Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu sheegay “Waxaan ku soo koobayaa (hadalkayga) inaynu wax iska weydiino oo aynu dusha ka sii hayno (Xukuumad ahaan) oo aynu isla garano waxa la innaga sugayo iyo waxa ina hor yaalla iyo waxa la innaga doonayo iyo inaynu isla garano waa muhiim.” Ayuu yidhi.

Comments are closed