|

Dad Weji-ku-macaashayaal Boodhadh Sita ah oo Xukuumadda Siilaanyo Horkeentay Golaha Baarlamaanka DAAWO

Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa Shalay soo abaabushay qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, kuwaasoo ka mid ah Dadka Somaliland dhexdeeda looga yaqaanno Weji-ku-macaashka ee Xukuumaddu markay qorshe rabto inay meel mariso muujiya taageero waxay hor-dhoobtay Xarunta Golayaasha Baarlamaanka oo ay Golaha Wakiilladu fadhigoodii ku guda-galeen doodda Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera oo ay Sabtidii u gudbisay.

Ammaanka guud ee Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaanay Xukuumadda talada haysa oo dabada ka riixaysa meel-marinta heshiiskan oo dano gaar ahi inay ugu jiraan ka dhex-muuqdaan, soo dhoobtay Dadweyne Weji-ku-macaash ah oo ay Xukuumaddu soo diyaarisay, kuwaasoo sitay ama watay Boodhadh ay ku qoran yihiin inay taageersan yihiin heshiiska wareejinta Dekedda Berbera, isla markaana ay ku dalbanayeen in Golaha Wakiilladu sidiisa ku ansixiyaan.

 

Dadkan Weji-ku-macaashayaasha ah oo sitay Boodhadh ay Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyaddu Lacagtooda bixiyeen sida ay u Xaqiijiyeen Warbaahinta qaar ka mid ah Weji-ku-macaashayaashu, kuwaasoo ay ku qornayd, weedho ay ka mid yihiin; “Waannu taageersannay Heshiiska Maalgelinta Berbera..” iyo Erayo kale oo muujinaya inay doonayaan in Golaha Wakiilladu sidiisa ku ansixiyo heshiiskaas ay Xukuumaddu Warbixintiisa u soo gudbisay Sabtidii toddobaadkan.

 

Waxaannu Weji-ku-macaashayaashaa Xukuumaddu soo abaabushay ee Bannaan-baxa iyo Boodhadhka la hor-yimi Dhismaha Xarunta Baarlamaanka ee Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ee magaalada Hargeysa, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed