|

”Dadka Madaxweynaha la Shaqeeya Waxaan Leeyahay Ha Guul daraynina,Qarankana Ha Guul Daraynini” Hogaamiye Xirsi DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali, ayaa Wasiirada xukuumadda ku dhaliilay dhibaatooyinka dalka ka taagan, isaga oo ku eedeeyay in shacabka Somaliland wakhtigan adag ay garab ka waayeen xukuumadoodii.

Waxa uu Xirsi Xaaji Cali arimahan kaga hadlay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa kadib markii ay halkaas ku booqdeen Muj.Yuusuf Cabdi Gaboobe oo xaalad caafimaad halkaas u jiifa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Maanta aad ayay ceeb ugu tahay Somaliland iyo qarankaba in qaarkood ay dhakhtarka maanta ku cadilanyihiin oo Yuusuf Cabdi Gaboobe ka mid yahay, qaarna ay gaajo isku daldalaan, kuwo kalena ay suuqyada ku bakhtiyayaan sixirbararka taagan oo awoodeenu intay doonto ha joogtee aanu dareenkeena iyo caadifadeenuba la jirin, runtii waa ayaan daro. Waxaan leeyahay xukuumada iyo xubnaha xilka gacanta ku haya ee madaxweynuhu uu ugu horeeyo, qarankan xilbaa idinka saaran, dhibaatada noocaas ah ayaana ka taagan, dadka madaxweynaha la shaqaynayana waxaan leeyahay ha guuldaraynina, qarankana ha guuldaraynina, haddii qarankeenu halkaas maraayo oo caadifadiina iyo dareenkiinu uu ka maqan yahay.”

Isagoo ka hadlaya caawimada ay ku garab istaagi karaan Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, wuxuu yidhi “markaas waxaanu leenahay waxii awoodayadu tahay waanu la qaban doonaa, waxaanu leenahay xukuumaduna ha ka qaybqaadato, hadday ka qaybqaadan waayaana dadka reer Somaliland way ku filanyihiin.”

Comments are closed