|

Dadweynaha Gobolka Sool oo Cadho Xooggan Ka Muujiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland iyo Jawaabtooda DAAWO

Laascaanood 05. December 2017 (SDN/QJ):-Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa Cambaareeyey Hadal shalay ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Fadhigii Isniintii ee Golahaas ka sheegay inaanu jirin Heshiis ay Somaliland iyo Khaatumo wada galeen, balse uu jiro Heshiis weli ku kooban Madaxweynaha xilka ka degaya Axmed-Siilaanyo iyo Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, balse uu ku dooday inuu Heshiis rasmi ah noqon doono marka Golayaasha Baarlamaanka loo soo gudbiyo ee ay Ansixiyaan Guurtida iyo Wakiilladu.

Hase-yeeshee, Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood, ayaa Sheegay inay aad uga xun yihiin Hadalka uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ku daadifeeyey Jiritaanka Heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid weli ku kooban Axmed-Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh oo 20-ka bishii Tobnaad ee sannadkan 2017-ka magaalada Caynabo ku kala saxeexday Heshiis Qodobbo kala duwan ka kooban.

Waxay Dadweynaha Aragtidooda Cabbiray ee Laascaanood ku sugan oo la hadlay Horn Cable TV, ku doodeen in Hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtidu yahay mid Dadka Reer Somaliland ee la isu soo dhawaynayay kala fogeynaya, isla markaana aanay marnaba Raalli ka noqonayn haddii ay yihiin Dadka ku dhaqan gobollada Sool, Buuhoodle iyo Qaybo Sanaag ka tirsan in uu Saleebaan-Gaal kala dhaqaajiyo Bulshada Somaliland. Waxay sheegeen in Heshiiska Galaydh iyo Siilaanyo Caynabo ku kala saxeexdeen yahay Heshiis Somaliland iyo Khaatumo dhex-maray oo ay aqoonsan yihiin, isla markaana Hadalka Saleebaan aanu meesha ka saari karin jiritaanka Heshiiskaas oo Bulshada Somaliland iyo Xukuumadda xilka ka degaysa iyo Xisbiyada Qarankuba aad u soo dhaweeyeen oo lagu diirsaday.

Haddaba, Warbixinta Warka Xubnaha kala duwan ee ka tirsan Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool iyo weliba Hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Siday uga Dareen-celiyeen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed