|

“Waxaan Sheeganayaa Halganka Dimuquraadiyadda Somaliland, M. Kaahin iyo-na waxay Sheeganayaan Halgankii..” Md. Daahir Raaye Kaahin DAAWO

Hargaysa 05. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inuu yahay Aabbihii Halganka Dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland bilaabay, waxaanu sheegay inuu Afar doorasho qabtay intii uu xilka hayey, isla markaana uu dalka u yimi ka qaybgalka Caleemo-saarka Madaxweynaha beddelaya Madaxweynihii isaga beddelay ee uu xilka ku wareejiyey.

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelisay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ku qaabbileen Xubno Wasiirro ka ahaa Xukuumaddiisii iyo Xisbigii UDUB, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Xilku ka dhammaaday ee Madaxweyne Siilaanyo Xubno Wasiirro kka ah, waxaanu sheegay in lagu soo casuumay Caleemo-saarka Madaxweynaha shanaad ee Somaliland ee la doortay 13-ka bishii hore, lana caleemo-saarayo 14-ka bishan aynu ku jirno Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba, Qaabka Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland iyo Marwadiisa loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa iyo Hadallo ay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Md. Rayaale Warbaahinta siiyey iyo Jawaabta uu Rayaale ka bixiyey Su’aal la weydiiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed