|

Dal Haweenka ku soo Rogay Ganaax Lacageed oo adag iyo in Waddanka laga Masaafuriyo hadii Gabadhu ay Baadho Telefoonka Ninkeeda

Dubai 24.May 2016 (SDN/QJ):- Maxkamad ku taalla waddanka Imaaraadka Carabta ayaa xukun dunidu la yaabtay ku riday haweenay ku noolayd dalkaasi Imaaraadka Carabta kadib markii lagu helay haweenaydaasi in ay baadhatay taleefanka gacanta lagu qaato oo ninkeedu lahaa wakhti ay ka shakisanayd in ninkeedu xidhiidh hoose oo jacayl la leeyahay haweenay kale.

25023499-front-view-of-a-saudi-couple-addicted-to-the-smart-phone-isolated-on-a-white-backgroundGabadhan ayaa lagu qaaday xukun adag oo ay ku mudatay ganaax lacageed oo dhan 150-kun oo Dirham oo u dhiganta 40-kun oo dollar iyo waliba iyada oo gabi ahaanba laga tarxiilay (Mastaafuriyey) waddanka Imaaraadka Carabta, maadaama ay iyada iyo ninkeeduba ahaayeen kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda dal kale oo carbeed.

 

Sida uu ku warramayo wargeyska Gulf News, cadadkiisii Arbacadii aan soo dhaafnay, makamadda Cajmaan ee dalkaasi Imaaraadka carabtu waxa ay 12-kii Bishan May xukun naxdin badan ku riday haweenay sida aan soo sheegnay baadhitaan iyo fatashaad ula dhaqaaqday taleefanka ninkeeda oo ahaa nooca loo yaqaano Smart Phones taasi oo la sheegay in ay muddoba aad uga walaacsanayd, kana shakisanayd in saygeedu xidhiidh hoose oo jacayl la wadaago haweenay kale kadibna ay taleefankiisa baadh baadhay wakhti uu hurday oo gurigooda ku sugnaa.

 

Sida wargeyska xusay sayga haweenaydaasi ayaa markii uu ogaaday in xaaskiisu taleefankiisa baadhatay dacwad u gudbiyey maxkamadda Magaalada Cajmaan oo ay labadan lammaane ku nool yihiin, kadib dhagaysigii dacwaddaasi xukunkan adag riday kadib markii ay haweenaydani qiratay in ay dambigaasi loo haysto gashay.

 

Qareenka u doodayay haweenaydan ayaa wargeyska u sheegay in uu aad uga xun yahay in xukunkaasi adagi ku dhaco haweenaydaa taleefanka ninkeeda baadh baadhaay isaga oo sheegay in garsoorihii xukunka haweenaydaasi ku riday uu u cuskaday xeer dhawaan dalkaas Imaaraadka laga dhaqan galiyey oo la xidhiidha dhinaca adeegsiga qalabka tiknoolajiyada iyo waliba in ay haweenaydu ku xad gudubtay khusuusiyaadka iyo arrimaha qofka u gaarka ah, isaga oo xeerka haweenaydan lagu qaaday gabi ahaanba mamnuucaya in qalabka tiknoolajiyada ah ee qofka u gaar ah aan lala wadaagi Karin, cid kalena aanay baadhan Karin sidaa darteed markii ay gabadhani qiraal ku sheegtay in ay dambigaasi gashay loo jaray ganaax lacageed oo dhan 150-kun oo Dirham (40-kun Dollar) iyo waliba in dalkaasi laga mastaafuriyo.

Comments are closed