|

Dalka Imaaraadka Carabta oo Dayax Gacmeed u Diraya Mid ka mid ah Meerayaasha

Dubai 29. August 2017 (SDN/QJ):-Dalka Imaaraadka carabta ayaa la sheegay inay wadaan farsamaynta Dayax-gacmed ay doonayaan inay u diraan  Meeraha mariikh ka hor dhamaadka Sanadka 2021-ka.sidaasina waxa sheegtey Wakaaladda wararka ee Dalka Baxreyn.

Janalka Euro News ayaa isna sheegay in Dalka Imaaraadku dhaqdhaqaaqyo dhinaca horuumarinta culuunta iyo fikradaha haruumarinta barnaamija hawada sare oo uu ka mid yahay dayax-gacmeedkan ay wadaan ee doonayaan inay hawada sare u diraan kuna beegayaan Dabaal degga Sanadguurada Kontonaad ee Aasaaska  Dawladdanimada dalkaasi.

Dayax-gacmeedkan ay donayaan inay hawada sare u diraan oo loo bixiyey “Al-amal”waxa uu deraasad ku soo samayn doonaa isbedelada Cimilada Oogada Meeraha Case ee al-mariikh tafaaculka Dabaqaadkiisa Jawi ahaaneed.

Comments are closed