|

Shir Lagaga Arrinsanayo Mustaqbalka Khaatumo Oo Ka Furmay Maraykanka

Columbus 29. August 2017 (SDN/QJ):-Waxa Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ka furmay Shir ay iskugu yimaaddeen Siyaasiyiinta iyo Hal-doorka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool, Shirkaasi oo ay kaga Arrinsanayaan waxay ugu yeedheen Aayaha Khaatumo.

Dadka Shirkan ka qayb-galay ayaa waxay doonayaan inay wax iska waydiiyaan inay Aragti ahaan taageeraan Wada-hadallada Cali Khaliif Galaydh la wado Xukuumadda Somaliland iyo inay ka soo horjeedsadaan oo ay Colaad dhiig ku daato ka hurriyaan Deegaannada SSC.

Shirkan ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Dr. Cali Ciise Cabdi, kaasi oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii wax ka aasaasay Kooxda Khaatumo ee uu Galaydh Hoggaamiyo, balse Xilligan ka soo horjeeda wada-hadallada Khaatumo iyo Somaliland.

Cali Ciise Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyey Furitaankii Shirkaasi, ayaa muujiyey inuu isagu shaqsiyan ka soo horjeedo Wada-hadallada iyo Khaatumo si Daacadnimo ah ula midowdo Somaliland.

Siyaasigan oo Mucaarad ku ah Galaydh iyo Kooxdiisa, ayaa sheegay inay wadaan Qorshe ay ku waxyeelaynayaan Nabadda iyo Horumarka ka hano-qaaday Gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood, oo isagu aaminsan yahay in Xoog lagu haysto, sidaa darteedna doonayaan inay Maamulkeeda dib ula wareegaa.

Dr. Cali Ciise oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaalo Madaxda Beesha Khaatumo (Laascaanood) Toban Sannadood ayay ku jirtaa Gacanta Nin aanay ahayn inuu ka taliyo, ILAAHAY idamkii shan sano oo dambe nagu qaadan mayso ee in ka yar ayaanu ILAAHAY ka rajeynaynaa inaanu Taladayada ku hannano.”

Siyaasigan ayaa waxa kale oo uu sheegay “Waxa Maamulka Khaatumo Gacanta ku hayaan ee ay leeyihiin Khaatumo oo dhisan oo la galbinayo ayaanu Hargeysa ula galnay, wax Alaale iyo wax ka suurto-galayaa ma jiraan, hadday 30 Sanno qaadato, hadday 10 qaadato iyo hadday hal Sano qaadato, Cid aanu marti uga nahayna ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Beesha dhexe ee aan Tolka nahay ee Waqooyiga ku nooli (Somaliland) waxay garowsatay inaan Hargeysa loga talin Xamar, Walaalayaal inta Cimrigayagu nool yahay deegaannada SSC ee ILAAHAY nagu beeray Hargeysa looga talin maayo.”

Comments are closed