Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo Lagu Weeraray Dalka Maali & Cida Weerarka ka Danbaysay

Mali 20. June 2017 (SDN/QJ):- Dalxiiseyaal reer Galbeed ahaa oo ku sugnaa dhul-dalxiis ayaa lagu weeraray dalka Maali.

Waxa weerarka geystay niman hubeysan, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters. Dad ka ag-dhawaa goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa sheegay inay maqlayeen xabbad ka dhacaysa goob qurux badan oo dalxiiska loo tago.

Afhayeen u hadlay goobta dalxiiska ayaa sheegay inuu dagaal ka socdo goob dalxiis oo bari kaga beegan caasimada Maali ee Bamako.

Ciidamada la-dagaalkan aragagisada ayaa ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay. Ilaa hadda wax war ah kamuu soo bixin inta dhaawac ah iyo weliba wixii dhimasho ah.

Dalka Maali ayaa dagaal kula jiray kooxo Jihaadiin ah oo ku xoogan waqooyiga iyo badhtamaha dalka.

Sannadkii 2015, waxa lagu diley 20 qof ka dib markii ay raga hubeysan galeen hudheel la seexdo oo ay ku qabsadeen dadkii shaqaalaha ahaa, kuna yaalay caasimada Maali ee Bamako.

Weerarkaasi waxa sheegay inay ka dambeeyeen Al-Qaacidada waqooyiga afrika.