Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Muuqaal si qarsoodi ah loo soo duubey, ayaa soo bandhigay Korneyl ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland iyo xoghayha dawladda hoose ee Hargeysa oo ay welinayaan xildhibbaano ka tirsan golahaasi oo isku haysta sida oo kale na ku muransan lahaashiyaha dhul ku yaala degmada 26ka Juun ee magaalada Hargeysa.
Korneylka, ayaa ku doodaya in uu isagu haysto sharciyadda dhulkaasi halka xidhibbaanada iyo xoghayha dawladda hoose na ay ku doodayaan in aanu haysanin sharciyadda dhulkaasi balse waxa xusid mudan in korneylka dhulkaas ku doodayaa uu sito cadeymahii iyo sharciyadahii kala duwanaa ee mulkiyadda dhulkaasi.
https://www.youtube.com/watch?v=pThN-CngVuA
