|

Dan-yarta Puntland oo uu saamayn xun ku yeeshay sare u kaca sarifka iyo maciishadda

Garowe, 6 May, 2016-(SDN/QJ):–   Magaalooyinka Waa weyn ee Puntland Sida Garowe iyo Boosaaso waxaa ka dhacay isu soo baxyo ay dadka ganacatada hormuud ka yihiin kuwaas oo ay ku codsanayaan in dib loo dajiyo lacagta dollarka oo kor u kacday.

 

Magaalooyinkan mudaharaadyadu ay ka dhaceen ayaa waxaa qiimuhu uu kacay laba jibaar maciishada duruuriga ah halka maciishada qayb kamid ah la wayayey.

 

Waxyaalaha ugu badan ee dadka ku qaaliyoobay waxaa kamid ah qudaarta cagaarka sida Ban-Banooniga,Kabsarta,Baamiyaha,Bas-Baaska iyo Kaarootada oo ah noocyo kamid ah khudrada la isticmaalo oo maalinlaha ah ah sidoo kale waxaa qiimuhu aad u kacay Baradhada,Yaanyada iyo Basasha.

 

Dadka ganacsatada ayaa u sababaynaya waayida khudrada labo arimood oo kala ah:-

1: Lacag soomaaliga oo qiimo dhac ku yimid taasi oo adkaysay nolosha dadka danyarta ah.

 

2:- Abaaraha ku dhuftay dhulkii Khudradu ay kasoo Bixi jirtay sida Wabiga Shabelle oo biyo laga waayey.

 

Sixir bararkaasi ay ka cabanayaan ganacsatada ayaa waxaa sii dheer lacagta shilinka Soomaaliga gaar ahaana 500 shilin Soomaaliga inay laga qaadan waayey suuqyada kuwaas oo saraflayaashu ku celiyeen dadka ganacsatada ah.

 

Ganacsatada Garowe iyo Boosaaso ayaa dawlada Puntland ugu baaqay inay maqasho qaylo dhaanta ganacsatada oo ay dajiso qiimaha Dollarka.

 

Qiimaha Dollar ayaa sidan oo kale kor ugu kacay xiligii Xukuumadii C/raxamaan Farole balse dawladu waxay ku guulaystay waqtigaas inay si fiican u xakamayso.

Comments are closed