|

“Darar weyne Cidda ku Daggaalla-meysa waa xukuumadda iyo beelyar, Hubkii iyo qoryihii xukuummadda Ayaa Beel  lagula Daggaalamaya,Beesha Garxajisna Dagaalka si Toos ah ayay u Gelaysaa Hadii ay Sidaas ku sii Socoto” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maanta Sheegay in Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag aanu ahayn dagaal u dhexeeya laba beelood balse waxa uu xusay inay Dagaalamayaan Xukuumadda iyo Beel yar sida uu hadalka u yidhi.

Suldaanku Waxa uu sheegay in Beeshiisa Garxajis ay si toos ah dagaalka u geli doonto beelaha kale ee somalilandna ay soo geli doonaan.

“Darar weyne Cidda ku Daggaalla-meysa waa xukuumadda iyo beelyar, Hubkii iyo qoryihii xukuummadda Ayaa Beel  lagula Daggaalamaya, Hadii ay Sidaas ku sii socoto waxaanu balanqaadaynaa Haddii Aanu Nahey Beesha,(GARXAJIS) inaanu Daggaalka si toos ah u galli doono Beellaha kalle ee somaliland Qaarkood Wey soo gali, Doonnaan,Waayo waanu aragnaa Sida ay Xukuumadu wax u wado Waxba yaan Qiiqa la isugu Kaayo qarinin Shalay ayaa la lahaa Jeegaan Jeegaan ama Madaxweyne Jeegaan ayaad noqon amase Madaxweynihii Somaliland ayaad noqon “ ayuu yidhi Suldaan maxamed suldaan Cabdiqaadir

Waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo isagoo xusay in labada beelood ay dantooda ku heshiin doonaan.

Suldaan Maxamed ayaa hadalkan ka Jeediyey Kulan ay maanta yeesheen guddida qaban qaabada Shirweynaha Beesha Garxajis.

Comments are closed