|

” Mushaharka Dawlada Inta Badan Waxaa Qaata Dad Aan Shaqeyn & Mid aan Jirin ” Madaxweynaha Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ujeedda laga leeyahay barnaamijkan shaqaalaha dawladda lagu tiro koobayaa tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan shaqaalaha dawladda ee gacanta ku haya adeegyada bulshada loo hayo, waxaana uu yidhi,“Ujeeddada aynu hawshan iyo tirintan ka leenahay waa inaynu dadka ku abuurno qaran ahaan iyo shaqaale ahaanba kalsooni ah inay wax waliba u socdaan si hufan oo aan musuq lahayn, dawladina waxa ay ku dhisan tahay aaminaadka dadka’e waxa la inaga rabaa inaynu dadku ku qancaan inaynu ugu adeegayno si daacad ah oo aan lahayn musuq ama aanu qofku tirsanayn caddaalad-darro lagu dulmaayo awoodda dawladda.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa farta ku fiiqay in abuuritaanka jawi kalsooniyeed oo laga dhex  unkumo cashuur bixiyeyaasha iyo dawladdu halbeeg u tahay isku filaansho iyo horumar qaranku gaadho, “Haddii dadka shicibka ah ee dhaqaalaha haysta iyo qofka aan haysanin ee caadiga ahi sida taajirka lacagta badan laga qaado, islaanta tamaandhada iibinaysa  ee wax laga qaado iyo qofka shaqaalaha ah ee mushaharka yar qaata ee wax laga jaraa ay aaminaan in lacagtaa laga qaaday ay halkii loogu tallo galay ku dhacayso waxaan aaminsanahay inaynu wax badan dhibaatooyinka jira  ka baxayno oo aynu isku filnaansho gaadhayno, xukuumad ahaanna waxa la inaga rabaa inaynu taas hirgelino, si taas loo hirgeliyana waxa aynu ka bilownay inaynu shaqaalaha dawladda ogaanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa shaaciyey in hawshani bilow u noqon doonto garsoor shaqaalaha dhexdooda ah, isla markaan aan wax haddidaad ah loo geysan doonin shaqaalaha dawladda, waxaana uu yidhi, “Waxa soo noqnoqday in dawladdu mushahar badan bixiso oo in badan oo mushaharkaas kamid ah ay qaataan dad aan shaqaynini, amaba dad aan jirini, taas weynu hubinaynaynaa, midna weynu ognahay oo dadka mushaharka la siiyaa wuu yar yahay oo kuma filna, taasina waxa ay keentaa niyad-jabka iyo musuqa, si taas looga baxana waxa aynu ogaanaynaa tirada aynu u baahanahay, dabadeedna waxaynu ku dedaali doonaa in wixii la inoo dhiibo amaba qaranka cashuur ahaan looga soo ururiyaa uu halkiisii oo aan musuq lahayn uu galo, waxaana aynu ku dari doonnaa in shaqada loo sinnaado oo uu qof kastaa kusoo galo aqoontiisii, maantana tani waa bilow, shaqaalahana lama eryayo lamana riix-riixayee waxa la hubsanayaa imisaa inoo shaqeeya, imisaase inaga dhiman.”

 

Barnaamijka lagu sugayo tirada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeyo, isla markaana dib loogu eegayo  tayadooda, ayaa socon doona muddo toddobaatan (70) maalmood ah, waxaana ka qayb ah qorshayaashii lagu samayn lahaa hawlgabka shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay jiraan shaqaale badan oo gaadhay da’dii ay hawlgab ku noqon lahaayeen.

Comments are closed