|

Dareenada Ku Xeeran in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Saaxada Siyaasada Somaliland uu Wax Cusub ku Soo Kordhiyo!!

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa loo wada dheg taagayaa kulan uu golaha dhexe ee xisbiga UCID isugu iman doono Sabtida oo lagu soo saari doono murashaxa madaxweyne-xigeen ee doorashada garab istaagi doona Md. Faysal Cali Waraabe oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga.

Dadka siyaasadda Faysal la socday bilihii u dambeeyay ayaa aaminsan in Faysal Cali Waraabe uu doorkan saaxadda siyaasadeed keeni doono qorshe cusub, waxaana la saadaalinayaa in murashixiisa madaxweyne-xigeenku noqon doono siyaasi ka soo jeeda gobalada Sool iyo Sanaag, kaas oo haddii uu noqdo siyaasi miisaan leh oo gobaladaas ka soo jeeda isaguna saaxadda keeni kara isbedel aan la filayn oo dhinaca doorashada ah.

 

Haddii uu Faysal kaga dhabeeyo go’aankaas ay dadku saadaalinayaan ee ah in murashixiisa ku xigeenku noqon doono gobalada Sool iyo Sanaag, waxa uu guul uu ka gaadho doorashada ka hor xayndaabka siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhinayaa aragti cusub oo siyaasadeed, sababtoo ah wuxuu noqonayaa xisbigii u horeeyay ee uu murashixiisa madaxweyne-xigeen ka soo jeedo gobaladaas Sool iyo Sanaag. Aragtidan Faysal ee la tilmaamayo inuu soo xulanayo murashax madaxweyne-xigeen oo ka soo jeeda gobaladaas waxa hore doorashooyinkii deegaanka ee 2012 u hal-abuuray Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo gobalada bariga ka qayb geliyay ururkii Xaqsoor. Inkastoo aanu ururkaas Xaqsoor ka mid noqon ururadii u gudbay xisbinimo, haddana aragtidaasi waxay noqotay mid markii la tijaabiyay dhashay midho siyaasi ah oo qaranimo.

Sidaas daraadeed, ugu horaynba haddii uu Faysal murashixiisa madaxweyne-xigeen ka dhigto gobalada Sool iyo Sanaag waxa uu keenayaa inuu doorashada ku galo khad cusub  oo uu ku kasban karo codad badan oo aanu filayn, waxaana hubaal ah inaanu marna geli doonin khasaare siyaasadeed haddii uu guulaysto iyo haddii kaleba, laakiin ay taariikhdu qori doonto.

Waxa kale oo iyadana la hadal hayaa in Md. Faysal Cali Waraabe uu hindisayo aragti uu doonayo inuu guddoomiyaha xisbiga UCID si ku meelgaadh ah u wareejiyo. Inkastoo aanay arrintani weli banaanka u soo bixin haddana waxa soo baxaya tibaaxo muujinaya suurtogalnimada in Faysal go’aankan qaadanayo  bishan dhammaadkeeda. Faysal wuxuu go’aankan qaadanayaa isagoo maanka ku haya inuu doorashada madaxtooyada ku guulaysto. Wararka qaar waxay sheegayaan inuu guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doono siyaasi ka soo jeeda gobalka Sanaag, gaar ahaan Sanaag galbeed.

Haddii uu Faysal go’aankan qaato oo uu guddoomiyaha si ku meelgaad ah ugu wareejiyo siyaasi ka soo jeeda deegaanadaas islamarkaana ah siyaasi ku jira saaxadda siyaasadda oo deegaanadiisa saamayn ku leh, waxa iyana uu keenayaa khad cusub oo uu ku heli karo guul aanu filayn, haddiise uu guddoomiyenimada ku wareejiyo masuul saaxadda ku cusub waxa suurtogal ah inaanu magac mooyee wax kale soo kordhin.

Si kastaba ha ahaate, guul uu Faysal Cali Waraabe doorashada ka gaadho iyo isbedel aan la filayn oo uu ku keeno saaxadda siyaasadeed ee ay hadda ku loolamayaan KULMIYE iyo Waddani, waxa ay ku xidhantahay miisaanka labada siyaasi ee uu Faysal u soo xusho murashixiisa madaxweyne-xigeen iyo guddoomiyaha ku meelgaadhka ah, waxaanay arrimahan siyaasadeed ee Faysal iyo xisbiga UCID ku xeerani kala miir dilaaci doonaan labada toddobaad ee soo socda, laba hal midkood ayaanay noqon doonaan. Inuu Faysal la yimaado aragti cusub oo keenta isbedel siyaasadeed oo cusub iyo inuu la yimaado ajande aan cusbayn oo dadka hore u soo maray.

Comments are closed