|

Dowlada Somalia oo ka hadashay in loo diiday Codkii ay lahaayeen Shirka Qaramada Midoobay

New York 20. September 2017 (SDN/QJ):- Qoraal kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guteres ayaa lagu caddeeyey inaysan wax cod ah dhiiban karin afar dal ay ku jirto Soomaaliya kuwaa oo bixin Lacagaha Qaaraanka ee ku waajibka ah dhamaan dalalka xubnaha ka ah UNka.

Guteres qoraalka kasoo baxa ayaa shardi looga dhigay dalalkaasi iney bixiyaan lacagaha Qaaraanka ee labadii sanno ee la soo dhaafay laga rabay , si loogu oggolaado inay codkooda ka dhiibtaan Shirka Golaha Guud ee QM.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Baalle ayaa qiray in Soomaaliya aysan bixin laguna leeyahay lacagta Qaaranka 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna sheegay in hada ugu horen qaaraan lagu yeesho.

Waxa uu Danjiraha sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas qaaraanka ee lagu leeyahay Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in sannadkanna ay sidaas sameenayaan si kaalintooda shirka ugu yeeshaan.

Abuukar Baalle ayaa meesha ka saaray been abuurna ku tilmaamay in loo diiday dowlada Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

Shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa ka qeyb galaya oo Soomaaliya ku matalaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo.

Comments are closed