|

Dareennada ka Dhashay Asbaabaha Xisbiyada Mucaaridka ahi Uga Hadli Waayaan  Sicir-bararka iyo Qiime dhaca Lacagta Dalka

Hargaysa 06. March 2017 (SDN/QJ):- Waxa goobaha barkulanka bulshada aad wax  la iskaga weydiiyaa  sababta axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, uga hadli waayaan  cidhiidhiga nololeed iyo sicir-bararka saameynta adag ku yeeshay bulshada danyarta ah, kaas oo aan caalamka uga jirin sida uu Somaliland uga jiro.

 

WADDANI iyo UCID,  ugama hadlaan sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta dalka ee tasowday, haddiiba ay maalin soo qaadaanna  ugama doodaan sida mawduucyada kale ee siyaasadda la xidhiidha ay culayska ugu saaraan xukuumadda. Taasina waxaydhalinaysaa in laga qaato dareen ah  inaanay ahmiyad weyn siinaynin danta caamka ah ee bulshada ay xilka ka doonayaan.

 

Waxyaabaha loo aaneeyo in xisbiyada mucaaridka ahi aanay xaaleynin duruufaha hoose ee bulshada, waxa ka mid ah in ay ka cabsi qabaan in tijaarta iyo shirkadaha ganacsiga ee dhaliyay   sicir-bararku ay ka ololeeyaan xilliga doorashada. Taasina ay kaliftay in xisbiyada mucaaridka ahi ka muquurtaan inay dawladda far waaweyn ugu tilmaamaan in shacbiga loo naxariisto oo laga jabiyo qiimaha maceeshada  qaali dhaafka ah. Iyagoo  sas ka qaba ganacsatada oo bulshada ka noqonaya 5% wax ka yar, halka 95% kale ee bulshada dantooda aanay u jajabnayn. Taasina waa dhashay in  shacbigu dhegaysan waayaan marka xisbiyada mucaaridka ahi ugu baaqaan muddaharaadyada ay mucaaridku doonayaan in lagu hor istaago tallaabooyinka xukuumaddu qaado.

Waxaa qaybo ka mid ah bulshadu  u arkaan in Murrashaxiinta madaxweynaha ee xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) labaduba ay sitaan Baasabooro Finish ah oo carruurtoodu degan yihiin Finland oo dhaqaale ahaanna aanay dhiig bax ku ahayn sicir-bararka waddanka naafeeyay oo halkii doolar maalmihii la soo dhaafay uu ku dhowaaday in lagu kala sarifto 9000 SL SH. waxa magaalooyinka dalka ka abuurmay suuqyo madow oo lagu kala iibsado doolarka. Ka dib markii uu dhicisoobay go’aankii xukuumaddu soo saartay ee ay ku sheegtay in lacagta kaliya ee wax lagu kala iibsanayaa noqoto lacagta Somaliland.

 

Waxa kaloo go’aamadaas ku jiray inay qiime cayiman loo asteeyay sarrifka doolarka oo ay u qoondeysay in halka doolar gacanta hore lagu kala qaato 6500 SL Sh, halka gacanta dambena ay ka dhigtay $1 la kala siisto  7000 Sl SH.  hase ahaatee qoddobadaasi waxay naqodeen qaar afka baarkiisa noqday oo socon waayay. Fashiladaada go’aankan xumad jabinta ahaa marna xisbiyada mucaaridka ahi ugamay hadal sidii bulshadu dareemaysay.

 

Waxa la gudboon axsaabta mucaaridka ah inay dib ugu noqdaan siyaasadooda la xidhiidha siday bulshada ula qaybsanayaan dhibaatada ka haysata nolosha oo ay noqdaan xisbiyadu goleyaal xukuumadda ku dirqiya inay qaado talaabooyin lagu horumarinayo nolasha iyo adeegyada mujtamaca loo qabanayo.

Comments are closed