|

Daroogada Cocaine-Ta Oo La Ogaadey Inay Saamayso Qaybo Kamida Maskaxdu Shaqaday Qabato

New York 19. June 2017 (SDN/QJ):-Daraasad cusub oo ay soo saareen koox  Maraykan ahi ayaa lagu ogaadey in qaadashada daroogadan oo saacado yar la qaataa ay maskaxda ku keento dhaawac weyn oo ay gaadhsiiso meelaha u qaabilsan waxbarashada iyo weliba go’aan qaadashada.

Daraasadan ayaa tilmaantay in qofka qaata daroogadan loo yaqaano Cocaine-ta  uu noqdo qof aan waali waxba dhaamin ,iyada oo aanay jirin wax xanuun ah oo inta hore laga helo ,waxaana dhacda in marka dambe la ogaado in maskaxdiisu aanay caadi ahayn,taas oo keenta inuu kala koro qofka jidhkiisa iyo maskaxdiisu,sidoo kalena isbedel dhinaca dabeecada ah lagu arko qofkaasi.

Kooxdan ayaa tijaabadan ku samaysay jiir nooca cad cad ah ee loogu talo galay in lagu tijaabiyo waxyaalaha la doonaayo in wax laga ogaado ,iyaga oo ku mudday  waxoogaa maadadan Cocaine-ta ah,saacado yar kadibna waxa dhacday inuu koritaankiisii si deg dega u kor ugu kacay,sidoo kalena xaga maskaxda khal khal kaga dhacay,iyada oo ay lumeen meelihii  awooda  u lahayd inay ka shaqaysiiso qaybta qorshaynta iyo go’aan gaadhista ee maskaxda ,sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Nature Neuroscience oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan.

Kooxdan ka socotay jaamacadda lagu magcaabo California ,Berkeley iyo UC San Francisco ayaa ilaalinaayey unugyada maskaxda ee jiirkaasi intii ay socotay daraasadan lagu samaynaayey ,iyaga oo sheegay inay u adeegsanayeen qalab kala duwan oo u fududeeyey inay ogaadaan waxyaalo badan.

“waxa ay nasiisay daraasadan aanu wadnay habab cusub oo suurtogal ka dhigi kara in maadadan cocaine-ta xataa laga dhigan karo shidaal ahaan mustaqbalka ,waayo waxanu aad ula yaabnay awoodeeda,iyada  jiirkii tijaabada ahaa ka bedeshay wadcigii hore ee uu ku jiray ,wuxuuna isbedelay laba jeer oo kala duwan laakin isu dhow dhow”sidaasi waxa yidhi madaxa kooxdan oo lagu  magcaabo Dr Linda Wilbrecht oo ka socotay Jaamacadda California  University.

Kooxdan ayaa sheegay inay dhowaan cadayn doonaan daraasadan waxyaalihii kazoo baxay iyo sidoo kale waxyaalaha la rajaynaayo in laga samayn karo maadadan daroogada ah ,marka laga yimaado dhibaatadeedaasi ay dadka u lee dahay ayay haddana jirtaa waxyaalo kale oo ay shegeen in looga faa’idaysan karo .

Comments are closed