|

Saynisyahano Ruushka Ah Oo Ikhtiraacay Maado Biyaha Iyo Ciida Lagaga Saari Karo Saliida Ku Qubata

Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Koox Saynisyahano ah oo u dhalatay wadankaasi Ruushka kana tirsan jaamacadda  Siberian State University  of Science and Technology  ayaa soo saartay maado cusub oo kiimiko ah, taas oo awood u leh inay biyaha iyo ciida ka nadiifiso haddii saliid iyo naafto ku qubtaan.

Maadadan cusub ayaa lagu magcaabaa Bioreactor , waxaanay si fudud uga saaraysaa biyaha iyo ciidaba saliidaasi iyo naaftadaasi ku qubatay, iyaga oo khubaradan saynisyahanada ahi sheegeen inay maadada kula dagaalami doonaan wasakhowga biyaha iyo ciida.

Warsaxaafadeed cusub oo ay soo saartay jaamacadda  Siberian ayaa sheegtay in maadadani ay si fudud uga saarayso ciida iyo biyahaba saliidaasi ku daadata, sidoo kalena maadadan ayaa loo isticmaali karaa in lagu nadiifiyo meelaha beebabka ah ee  ay maraan saliidaha iyo shidaaladu.

Maadadan ayaa ka kooban waxyaalo kala duwan oo aan sun ahayn, kuwaas oo iyagu ah waxyaalo kimiko laga sameeyey,kuwaas oo si fudud u nuugaaya waxyaalaha ay ku daataan saliida iyo shidaalka oo ay ku jirto naaftadu.

Khubaradan saynisyahanka ah ayaa sheegay inay doonayaan inay horumariyaan waxyaalahan ay ikhtiraaceen , iyaga oo doonaaya inay ku daraan qaybo hawada ka nadiifin kara wasakhowga, madaama oo cimilada isbedeshay ay dhib ku hayso hawada.

Comments are closed