|

Dawlada Malesiya oo Safiirkeedii Kala Baxday Dalka Waqooyiga Kuuriya Kadib Dhimashadii Hogaamiyaha K.Waqooyi Walaalkii

Kuala Lumpur 21. February 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Maleeshiya ayaa u yeedhay Safiirkooda u joogay dalka  Kuuriyada Waqooyi ka dib markii uu ka sii kordhay muranka ku saabsan dilkii Kim Jong-nam oo ay xagga hooyo ka walaala ahaayeen madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Ninkan la dilay ayaa si aan xog badan laga haynin geeridiisa  kaasoo magaalada Kuala Lumpur u geeriyoodey todobaadkii hore,booliiskuna waxay rumaysan yihiin in la sumeeyay isaga oo sugaya duulimaadkii uu raaci lahaa.

Safiirka Kuuriyada Koonfureed ee dalka Maleeshiya ayaa sidoo kale su’aalo laga waydiiyay hadal uu hore uga soo yeedhay oo uu jeediyay.

Inkastoo uu jiro tuhun weyn oo ku wajahan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkan, haddana wax caddayn ah looma hayo, Pyongyang ilaa iyo hadda iyadu war rasmi ah kamay soo saarin dhacdadaas.

Comments are closed