|

Dillaa Midab, Dhadhan Iyo Ur Lagu Garto Lahayn Oo Halis Galiyay Mallaayiin Dad Ah Oo Ku Nool Sucuudiga !

Riyadh 21. February 2017 (SDN/QJ):-Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxa ka soo if baxay dillaa cusub oo aan midab, dhadhan iyo Ur midna lahayn, waxaana la sheegay in dillaagani uu halis ku hayo 5.7 Millyan qof oo kala degan sagaal magaalo oo ka tirsan dalka Sucuudiga.

Dillaagan oo ah Gaasta loo yaqaan Radon ayaa la sheegay in dadka ku nool magaalooyinkaasi u adeegsadan gaastan dhismaha guryaha, waxaanay aad ugu badan tahay gaastaasi goobaha iyo magaalooyinka buuraleyda ah, iyadoo masuuliyiinta dalkaasi xaqiijiyeen in uu sabab u yahay cudurada cancer-ka iyo xanuunka loo yaqaano Thyriod oo aad ugu bdan dalkaasi, waxa kale oo ay xaqiijiyeen khubaro baadhis ku sameeyay arrintani in goobaha ay ku jirto gaastani ay halis u yihiin in uu ka qarxo fulkaane.

Magaalooyinkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Dahraan iyo Madiina Al-munawara, waxaana arrintani cadeeyey koox khubaro ah oo ka socday jaamacada King Fahad University of Petroleum and Minerals ee ku taala magaalada Dahraan ee Dalkaasi.

Comments are closed