|

Dawlada Somaliland oo Jawaab ka bixisay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo Ku Sheegay inay Dabo Gal ku hayaan Heshiiskii Imaaraadka lagaga Kireeyay Saldhiga Mileteri ee uu Ka Samaysanayo Magaaladda Berbera

Hargaysa 10. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba-joogto sidii ay u heli lahayd xog dhammaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in bilowgiisu ka horeeyay dawladiisa.

Mr. Farmaajo oo hadal ka jeediyay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo aanu magacaabin “Waxaan cadaynayaa sida ku cad distoorka waxa waajib nagu ah ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan cadaynayaa in bilowga hawshan ay ka horaysay 8 Febraayo 2017 sidaas awgeed dawladu waxay ku hawlantahay siday ku heli lahayd xog dhammaystiran oo arrintaas la xidhiidha, markaan helno xogtaasna waxaan la wadaagi doonaa golaha shacabka iyo hay’adaha ay khusayso.” ayuu yidhi Farmaajo.

 

Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa hadalkaas Farmaajo ku tilmaantay mid la iska yidhi.

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa digniin u diray Madaxda Somaliya, waxaanu wasiirka oo u waramay Geeska Afrika uu yidhi “Halkani waa Somaliland, ee Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxda Somaliya waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arimahayga oo aanay ku mashquulin, Madaxweyne walba oo Somaliya yimaada dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arimaha Somaliland, ee waxaan leeyahay Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Madaxda Somaliya ha ku mashquulina oo wakhtigu yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin, go’aana aydaan ka gaadhi karin, ee hawlihiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, waa dal leh Madaxweyne la doortay, waxaana ka Madaxweynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Somaliland waa dal leh Baarlamaan la soo doortay, oo Shacabku soo doortay, Saldhiga Milatari ee Berberana nidaamkii saxda ahaa ayuu maray, oo Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa si wada jir ah u ansixiyey, una meel mariyey, ee qoraal Barlamaan Somaliya ah iyo talo la weydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayan, ee Somaliland waa dal dhisan, oo xasiloon, oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee Madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca”.

Comments are closed