|

Halkan ka daawo Xaflad aad u balaadhan oo qadhaan logu uruniyey iskuulka 26ka Juun oo ku qabteen Magaalada London Ardaydii wax ka baran jirtay

London 10July17(SDN/QJ) Xaflad ay si balaadhan u soo agaasimeen ardaydii wax ka baranjirtay dugsiga sare ee 26ka Juune ee Hargeysa sanadahii sideetamaadkii ayaa lagu qabtay galbeedka magaalada London Habeenkii Sabtida ee 8th July 2017.    Sanadkii hore dhexdisiii ayey ahayd markii magaalada London lagaga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen dhamaan aradaydii iyo macalimiintii dugsigaasi oo loo bixiy Golaha   Ardaydii Iskuulka 26ka Juun.  Ururkani ayaa ah mid aan UK oo keliya ku koobnayn ee waxa xubno ka ah ardaydii dugsigaasi dhigan jirtay ee kala joogta daafaha kala duwan ee dunida sida Yurup, Afrika, Marykan iyo Carabaha.  Golahan Ardaydii iskuulkaasi ayaa ujeedad uGu balaadhan ee loo aasaasay tahay sidii ardaydii wax ka soo bartay dugsigaasi ay wax ugu celinlahaayeen oo ay taakule dhaqaale iyo mid farasamaba ay ka geysanlaaheen, iyagoo markii u horeysayba dayactir balaadhan ku sameeyay dhismaha iskuulka oo fasalo badan la dhigay marmarka dhulka,  wixii jiingadahu ka xumaayeena jiingado cusub la saaray, lana rinjiyeeyay,  waxayna sidoo kale ugu deeqeen buugaag.  qorasha dhow ee golahanina uu yahay sidii iskuulka loogu samaynlahaa qayb IT ah oo casriya iyo weliba qaybt laababka ama shaybaadhyada ay ardaydu wax ku baran karto.

20170709_011540

Xafladan oo qudbado kala duwan ay ka jeediyeen sida Gudoomiyaha Golaha Ardayda Cabdiwahab Xaaji Xasan oo ka hadlay waxqabadka Golahani halkaasi lagu soo bandhigay Fiidyow laga soo duubay iskuulka oo muujinaya waxqaabadkii Golahani ka geystay iskuulka.   Waxa iyaguna goobta ka hadlay oo lagu soo maamusay safiirka Somaliland ee UK Ayaan Cashuur iyo Qosolka Safarada Somaliland Mr Boos, Gudoomiyaha TV ga Qaranka ee Yurub Cabdiraxman Maxamed,  Cabdiraxaman Qaalib – oo ahaa ardyadii iskuulka imikana ah xildhibaan laga soo doorto golaha deegaanka ee Waqooyiga magaalada London.   Sidoo kale iyaguna waxa ka hadlay Cabdi Cali Mahdi, Maxamed Aaar, Yasimin Dhoolayare iyo Nasra Goodir  oo iyaguna ka mid ahaa ardaydii iskulka 26ka Juun.  Waxa hadalka Soo gunaanaday Macalinkii ardaydan ee iskuulka 26ka Juun – Macalin Cabdisalaan.    Waxa kale oo ka soo qaybgayal arday iyo dadweyne kale oo ka kala yimid dhamaaan gobolada UK iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub.

20170708_232414

Xafladan oo iskugu jirtay Casho iyo madadalo, oo ahayd mid dhaqaalaha ka soo baxa loogu talogalay in lagu taageero iskuulka 26ka Juun waxa heeso ka qaaday Saynab Ciga, Yusuf Dheer iyo Xasan Beyle.

iskuul26jun8

20170709_011917

Waxa kale oo goobtaasi lagu daawaday fiidyoow laga soo duubay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqday iskuulka isla markuu hargeysa tegayba isagoo kulan uu la yeeshay golahani  30kii bishii Juun uu balanqaaday inuu indhahiisa ku soo arkidoono iskuulka 26ka Juune iyo waxqabadkii golahaniba isla markaasina uu balanqaaday inuu gacan ka geysandoono sidii loo hormarinlahaa iskuulkan.  Halkan hoose ka daawo booqashadii Prof.  Samatar

Dhinaca kale isla goobtii xafladu ka socotay waxa buugaag ay ugu deeqday iskuulka 26ka Juun keentay gabadh u dhalatay dalka Jibouti.  Waxa  madashan si habsami leh u daadihinayey Maxamed Yusuf Cilmi – Shaxaari oo ka mid ahaa ardaydii iskuulka 26ka Juun.

 

20170709_002845

26junischol

20170709_011502

iskuul26jun2

20170708_23261820170708_232920

20170708_232810

20170708_232835

20170708_232847

20170708_232830

20170708_232851

20170708_232818

20170709_003729

iskuul26jun15iskuul26jun14iskuul26jun13iskuul26jun12iskuul26jun11iskuul26jun9iskuul26jun7iskuul26jun6

iskuul26jun10iskuul26jun5iskuul26jun4iskuul26jun3iskuul26jun120170709_01151420170709_00420620170709_00410920170709_00405920170709_00395820170709_00392720170709_00384120170709_00382720170709_00380420170709_00285420170708_23314420170708_23303620170708_23303220170708_23285820170708_23284320170708_23261020170708_23260720170708_23260320170708_23255420170708_23254220170708_23253220170708_23251620170708_232507

20170708_23242320170708_232443

Comments are closed