Istanbul Jan 17,2014(SDN)-Wasiirka Amniga qaranka ee dalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay wadahadalada ay kula jiraan Jamhuuriyada Somaliland ee ka socda dalka Turkiga.
Wasiirka oo hogaaminaya wefdiga wadahadalada ku metelayaa dalka Soomaaliya ayaa rejo ka muujiyay sida ay u socdaan wadahadalada.
Wasriirka ayaa saxaafada u sheegay in haatan la gudo galay dejihnta hanaan ay wadahadaladu yeelan doonaan si looga miro dhaliyo.
Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay iyagu doonayaan in natiijada wadahadalka ay kula jiraan Somaliland ay noqoto sidii mar kale loogu midoobo lahaa qaran qura.
Somaliland ayaa qudheeda hore u shaacisay in ay dooneyso in Soomaaliya ay wadahadalada ku kala baxaan oo ay noqdaan laba dal oo waalo ah oo jaar ah.
Si kastaba ha ahaatee kolka la eego mawqifyadan ayaa isweydiintu waxa ay tahay waxa ay labada dhan u sii wadayaan kulamada.
SDN-Stanbul
contact@somalidiasporanews.com
