|

Dawladda India Oo Xoolaha Dalkeeda U Samaysay Kaadhadhka Dhalashada !

Delhi 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Kaadhka dhalashadu waa kaadh had iyo jeer loo adeegsado sidii qofka Muwaadinka ah loogu aqoonsan lahaa, laakiin Dawladda Dalka India ayaa bilwaday arrin cusub oo ah inay Xoolaha ku nool Dalkeeda gaar ahaan Lo’da u samayso Kaadhadhka Aqoonsiga.

 

 

Tirada Xoolaha Lo’da ah ee ku nool Dalkaasi oo lagu qiyaasay tiradooda ilaa 88 Millyan, ayaa dawladdu u diyaarisay Hawshaasi inay qabtaan ku dhawaad boqol kun oo shaqaale ahi.

Dhinaca kale xukuumadda Dalkaasi ayaa arrintan u adeegsanaysa Tiknaloojiyad aad u  heer saraysa, iyadoo u samayn doonta neef kasta Kaadh yar oo ay ku qoran yihiin magacyada cidda iska leh iyo sidoo kale magaalada uu ku dhaqan yahay taasoo dhamaan arrimahaasi lagala socon doono Computer-da Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Arrintan oo Warbaahinta dalkaasi aad u qaadaa dhigtay ayaa Wargeyska Himilo tarjumay ka dib markii ay noqotay arrin aan hore uga dhicin Adduunka, balse ay xukuumadda Dalkaasi India ay haatan hirgalisay oo ay ku tallaabsatay.

Comments are closed