|

“Ilaahay Wuxuu Inagala Dardaarmay Inaynu Ku Faano Qabyaalad, Ama Aynu Cayno Dadka Kale Qabiilkooda…” Guddoomiyaha Diwaanka Zakada

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Diwaanka Zakada ee Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa si qoto dheer uga hadlay xumaanta ay leedahay ku dhaqanka Qabyaaladdu Ifka iyo aakhiro.

 

Sheekh Siciid oo faahfaahinaya dhibaatada ku dhaqanka Qabyaaladdu u leedahay Wada noolaanshaha Aadamaha, ayaa yidhi, “Khudbadeenii hore waxaynu kaga hadalanay cudur xun oo Ummadda ku noqday Kansar. ILAAHAY iyo Ummaddiisu waa og-yihiin sida ay ugu faaftay inaga iyo waddamo kale oo badan.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Nebi Muxamed (CSW) Xajkii keli ahaa ee uu Xajay  khudbatul widaac waxyaabaha uu ku soo daray ee uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa in dadku Ilaah kaliya ay leeyihiin, Aabbo kaliyana ay ka wad yimaaddeen, Nin Carab ah iyo nin Cajabi ahba nin madow iyo nin cad ay dadku siman yihiin, waxaa lagu kala saareeyaana ay tahay Taqwadda ilaahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Diinta islaamku intii aanay iman, dadku waxay ku noolaayeen casru-jaahiil wax la yidhaahdo oo dadku Diin toosan may lahayn, caqli fiican oo wax kale garanaayana ma lahayn, kooda xooga-weyni wuxuu dulmiyo jiray kooda daciifka ah, Qabiilooyinku habeen iyo maalin waxay ku jireen dagaal sokeeye, haddii uu nin ka mid ahi yidhaahdo tolaay yaa reer hebelaay ,nin kastaa wuxuu soo qaadanaayey seeftiisa si uu uga jawaabo baaqaasi. Arintaasi Diinta islaamka ka hor ayey ahayd, ilaahay shareecadii wanaagsanayd ayuu samad inooga soo dejiyey Nebi Muxamedna wuu noo soo diray (N.N.K.H), Waxyaabaha uu Nebigu la yimida ee uu ku guulaystay waxaa ka mid in dadkii Muslimay Xuquuqdoodu noqotay mid simin, hadafkooda iyo waxay ku dagaalamayaana wuxuu noqday Diinta islaamka, waxyaabaha lagu kala sareeyo ee lagu xisaabinayaana ay tahay taqwadda ilaahay.”

Sheekh Siciid Maxamed Faarax wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inaan Diinta Islaamku diidanayn in Qofku barto Qabiilkiisa, “Diinta islaamku kama soo horjeeddo in Qofku barto Qabiilkiisa iyo geedka uu ka soo jeedo, waayo? Nebigu wuxuu yidhi nasabkiina barta si aad u xidhiidhisaan qaraabadiina, ilaahay wuxuu inagala dardaarmay inaynu ku faano Qabyaalad ama aynu cayno dadka kale Qabiilkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.”

Comments are closed