|

Dawladda Jabuuti Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Somaliland DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay Doorashada Madaxtooyada ee Shacabka Somaliland Maanta u dareereen.

Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo la hadlay Telefiishanka Star ayaa sheegay inuu kormeeray Goobaha Cod-bixintu ka dhacday ee Magaalada Hargeysa, isagoo amaanay nidaamka Dadku Codadkooda u dhiibteen,

“Anigoo ah Safiirka Dawladda Jabuuti u matalaya Somaliland, waxaanu kormeermay Goobaha Cod-bixintu ka dhacday ee Magaalada Hargeysa, waxa ka dhacday Doorashada Madaxtooyada oo ay ku loolamayaan Saddex Musharrax” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Kormeerka aanu ku soo samaynay Goobaha Doorashada, waxaanu ku soo Aragnay Dad si wanaagsan u Codaynaya, Bislaaday, wax dhibaato ah oo jirtayna maan Arag.”.

Comments are closed