|

Dawladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Duqeyntii Ciidammadeedu U Gaysteen Qaybo Ka Mid Ah Gobollada Galmudug & Jubbada Hoose, Sheegtayna Inay Baadhayso Eedaha Loo Soo Jeediyay

Washington , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay duqeymihii ay ciidammadeeda u geysteen qeybo ka mid ah gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose ayaa sheegtay inay beegsatay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab.

diyaaradaha-maraykanka-oo-dilay-saraakiil-ka-tirsan-al-shabaab-iyo-daacishAfhayeen u hadlay waaxda gaashaandhiga Mareykanka, captain Jeff Davis, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in weerarka Galkacyo uu ahaa mid ay ku bartilmaameed sadeen dagaalamayaasha Shabaab oo khatar ku ahaa Maraykanka.

Maamulka Galmudug ayaa mar sii horreysay sheegay in duqeyntaasi lagu qaaday xero ku taallo duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo fariisin u ah ciidammada Galmudug.

Wasiirka amninga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur oo loo yaqaan Taardhuleed ayaa BBC-da u sheegay in 20 askeri ay uga dhimatay duqeyntaasi.

Wasiirku ayaa ugu baaqay ciidammada Maraykanka inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan arrintan.

Afhayeenka gaashandhiga Mareykanka ayaa hadalka Galmudug ku tilmaamay “eedeymo aan run ahayn”, balse wuxuu intaasi ku daray inay baadhitaan sameyn doonaan.

Comments are closed