|

Dawladda Qatar oo Jawaab Ka Soo Bixisay Dalabkii Adkaa ee uga Yimi Isbahaysiga uu Hoggaaminaayo Sucuudigu

Doha 25. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Qatar, ayaa si adag u diidey in ay aqbasho dalab ka yimi xulafada uu hooggaaminaayo Sucuudigu oo ka koobnaa 13 qodob oo shuruudo loogga dhigay in ay fuliso si xayiraadda looga qaado wadankaasi.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar oo arrintan ka hadashay, ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaantay dalabkaas oo uu ku jiray in albaabada la iskugu laabo Talefeeshanka Al-jazeera.

Xiisaddan siyaasaddeed ka dhex aloosan wadamada Carabta, hada taagan muddo toddobaadyo ah iyada oo dhawaaqyada ka soo kala yeedhayaa ay u muuqdaan kuwo aan dhinacyada is haya ku soo dabbaaleyn xasilooni.

Comments are closed