|

“Deegaankaan Ka Soo Jeedo Waxaa Laga Dhigay Dhul Rag Siyaasiyiin ahi Xidheen, Somaliland-na..” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore DAAWO

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay in deegaannada uu ka soo jeedo laga gedoomiyey horumarka ka socda gobollada kale ee dalka, isla markaana deegaannadaasi laga dhigay Dhul u xidhan Rag Siyaasiyiin ah, taasna aanay Somaliland aqbali doonin.

Xildhibaan Koore waxa uu ka hadlay Ciidan la sheegay inay Soomaaliya ka qoranayso Bariga gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka noqon doonaan Ciidammada Federaalka Soomaaliya loo dhisayo. Waxaanu sheegay Xildhibaan Koore inaanay Somaliland aqbalaynin arrinta ay Soomaaliya ka waddo gudaha dalkan, waxaanu uga digay inay faraha kala baxdo Dadka iyo Dalka Somaliland.

“Faro-gelintaa Bariga lagu wado guud ahaan waan ka soo horjeedaa, dalkani waxa uu leeyahay Xuduudihiisa iyo dhammaan Rukumada aasaasiga ah ee dawladi ku shaqaynaysay. Markaa, Dadka Bariga Somaliland Dadka faro-gelinta ka wada ama jecel inay dhibaateeyaan, ama jecel inay soo wadaan arrintaas (Ciidan-qorista), waxaan leeyahay 26 sannadood ayuu Qarankani (Somaliland) dhismayey, Ummaddanna Colaad uma hayso Koonfur, waxaanay go’aansadeen inay noqdaan Qaran Madax-bannaan 1991-kii, waana Dal taariikhi ah oo soo jireen ah illaa Maxmiyaddii Ingiriiska, markaa waxaan leeyahay Soomaaliya iyo cidday adeegsanayso ka waantooba waxaas.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Koore.

Mar uu Xildhibaan Koore ka hadlayey ujeeddada dhibaatooyin uu sheegay in Bariga Somaliland laga wado, waxa uu yidhi; “Deegaannada aan ka soo jeedo ee Bariga Somaliland, waxaa lagu hayey degganaansho la’aan iyo dhib, waxaad moodaysay labadii sannadood ee u dambeeyey in laga soo bogsoonayey. Laakiin, haddii lagu celiyo caabuqii iyo dhibaatada Dadka Bariga Somaliland lagu samaynayo, naxariis la’aan, Qayrkood haka hadheen, Dadkooda halla baabbi’iyo, yaanay waxba baran, yaanay degganaansho helin, yaanu Maamul ka hano-qaadin, ayaannu u aragnaa.”

“Deegaannada kale waa la wada horumariyey, Deegaannada aan ka soo jeedaana waa deegaan laga dhigtay Dhul xidhan oo Rag siyaasiyiin ahi Dhul ay gedoomiyaan ama ka duulaan ka dhigteen, arrintaasna ma aqbali karno, dawladda Somaliland-na way gaadhsiisan tahay maanta.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Cali Koore.

Hadaba Xildhibaan Saleebeen Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa waxaa uu waraysi siiya Wariye Yaxye Sheekh Ismaaciil waxaana uu kaga hadlay arrimo badan oo wakhtigan taagan ah

Comments are closed