|

Dekedda Berbera: Danaha Is Diidan ee Ethiopia iyo Masar, Somaliland Wax Ma Uga Meel Yaalaan? Mujaahid Cali Guray

Hargaysa 06.May 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ayaa isagoo daba socda Qoraal uu Suxufi lagu Magacaabo Gregory Copley ka qoray Ciyaarta Dekedaha Geeska Africa oo dalal badani Siyaasado fog ay ka leeyihiin isla markaana damacyo qarsooni ay ku dhex duugan yihiin ayaa Cali Guray Wuxuu si Kooban u Milicsaday Qoraalkaas oo isagoo English ku qoran aad ka daalacan kartaan Xaga Hoose ee Maqaalkan.

Qoraalka Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan :- Safarkii waftigii Masar ka socday ee bishii hore booqashada ku yimi Somaliland iyo wufuudii kale ee carbeed gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ee ka hor iyo ka dibba ku soo qulqulayay Somaliland waxay qayb ka yihiin cadaadiska uu dalka Masar doonayo in lagu saaro Itoobiya oo u leexsatay biyihii webiga Niilka dhaamka wayn ee Gran Ethiopian Renaissance Damp(GERD) iyo weliba danaha xulafada dalalka khaliijka ee dagaalka ka socda dalka Yaman.

dekeda muqdishoMaqaal dhawaan ku soo baxay (THE JOHN BACHELOR SHOW)oo uu qoray Gregory Copley oo cinwaankiisu ahaa ( Game of Ports in the Horn of African) ayaa muujisay in xukuumadda sii kala daadanaysa ee Madaxwayne Silanyo ay u xaglinayso dhinaca Masaar taas Ciidanka Qaranka ee Somaliland uu ka soo horjeestay. Sida uu sheegay Mr Copley warbixino dheeraad ah ayaa xusay in hamiga Masar aanu ku koobnayn adeegsiga Dekedda Berbera oo keliya lakiin uu gaadhsiisan yahay in ay taageero milatari ka heli karto Somaliland hadii khilaafka arinta Biyo Xidheenka ee ka dhexeeya Itoobiya uu ka sii daro.
Isaga oo xiganayay warar u dhuun daloola Ciidanka Qaranka Somaliland wuxu intaa ku sii daray in heshiiskii dhawaan ay Somaliland iyo Masar kala saxeexdeen oo ahaa mid looga gol lahaa in cadaadis lagu saaro Itoobiya uu keenay kala qaybsanaan wayn oo Ciidanka Qaranka iyo xukuumadda sii kala daadanaysa ee Madawayne Silanyo oo isaga oo waa sida uu hadalka u dhigaye caafimaad darro hayso cadeeyay in aanu isu soo taagi dooni doorashada bisha March 2017ka, iyada oo sua’aasha ugu wayni tahay in xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Silanyo uu xataa dhab ah u taagnaan doono xilga doorashada iyo in kale. Dadka Somaliland ayuu warku sheegay inay heshiiskan u arkaan mid dalka Masar uu tiisa uun ka raacanayay ee aan dhinaca Somaliland waxba ugu jirin.

Ugu dambaystii Gregory Copley wuxu ku soo gunaanaday Dekedda Berbera oo gacanta u gasha Masar(Sucuudiga iyo Imaaraadka) waxay keeni kartaa in Itoobaya laga joojiyo Isticmaalka Dekedda Berbera oo wakhtigan aad u sii kordhisay cidhiidhiga ka jira Dekedda Djibouti awgeed. Hadaba way muuqataa in shaxda dekedaha Geeska Afriki iyo loolanku uu meel adag marayo gaar ahaa Dekedda Berberina ay tahay yoolka sida gaarka ah loo beegsanayo oo ay u beegsanayaan dhinacyo soo kala horjeeda oo danahoodu is wada diidan yihiin.

Hadaba, Xukuumadda Somaliland iyo shakhsiyaadka midida daabkeeda hayana waynu naqaan waxa keliya ee iyaga u daranna si fiican baynu u garanayanaa. Sidaa daraadeed marxaladda dalku uu marayo waa mid xasaasi ah oo lagu tilmaami karo karin cidhiidhyoon oo u baahan in taladeeda laga yeesho si fursadahana aan loo dayicin halisahana la isaga jiro. Lakiin nafteena waxba yaynaan been u sheegin waynu ognahay in aanay maanta taasi suurtogal inoo noqon karin. Ugu yaraan inta ka hadhsan mudada xukuumaddan Somaliland xaalkeedu wuu sii ahaan sida uu ahaa ilaa haddana yahay: Ciidan Uma Maqna Ceela Uma Qodna.

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRIDO MAQAALKAN QORAA Gregory Copley KA QORAY ARRINTAN

Comments are closed