|

DHAGEYSO: Soomaaliya Oo Hubaynaysa Kalluumeysatadeeda Si Looga Hor-tago Kalluumeysiga Sharci Darrada Ah

Muqdisho (QJ/SDN) – Waxaa soo kordhaya qeyla dhaanta ku aadan maraakiib shisheeye oo kaluumeysi oo booba Kheyraadka badda ee Somalia.

Guddoomiyaha hey’adda Cilmi baadhista badda Somalia Admiral Faarax Qare ayaa ka hadlay xaaladda badaha Somalia isagoo soo jeediyay talooyin uu sheegay in looga hortagi karo kalluumeysiga sharci darada.

Faarax Qare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maraakiibta shisisheeye ay si aad ah ugu soo dhowaadan xeebaha Soomaaliya oo ay gurtaan kheyraadka badda Soomaaliya.

Haddaba Halkan Hoose Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baadhista badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare

Comments are closed