|

Dhakhtarka: Mushkuladda Ku Haysaa Waa Aragga!

Hargaysa 21. June 2017 (SDN/QJ):- Nin ayaa maalin u tegay dhakhtar si uu xanuun caloosha ka hayay looga daweeyo.

Markii uu u galay dhakhtarka ayuu weydiiyay waxa uu ka cabanayo?  Ninka ayaa ugu jawaabay inuu caloosha xanuun ka hayo. Dhakhtarka ayaa ku yidhi : Maxaad cuntay ?  Bukaanka ah ayaa ku jawaabay waxaan cunay roodhi gubatay. Dhakhtarka ayaa u qoray dawo indhaha ah, laakiin bukaanka oo yaaban ayaa ku yidhi: “ Dhakhtar kama cabanayo indhaha waxaan ka cabanayaa caloosha!.

 

Dhakhtarka aya ugu jawaabay waan ogahay laakiin waxaan kuugu qoray dawadan si aad isaga aragto marka danbe roodhada gubtay oo aanad mar danbe u cunin.

Mushkulada ku haysaa waxaan u fahmay inay tahay xagga aragga.

Comments are closed