|

Dhidar onkod kiciyey iyo waayeel caadifadaysani si bay u wada hingadaan!

Prof. Ibrahim Mohamed Mecad waayeel onkod kiciyey dheh!
Midkasta oo cabudhiska iyo cadaalad xumada Xukumadda Muuse Biixi reernimo ku taageersani wuxuu soo qadataa halgankii oo aan ujeedadii loo kifaaxay meela ka soo gelin maamulka Somaliland.
Wuxuu hadalkiisa ku bilaabaa Cirro iyo Faysal xagay joogeen. Wuxuu ilaawaa in aan Muuse Biixi qudhiisu aanu taariikhda SNM goob iyo maalin wanaag lagu xuso toona ku lahayn, laakiin uu leeyahay maalmo xun oo lagu xusi karo.
Markaa iyamaa mudan ninka SNM dhibaato la dhex joogay iyo ninka ka maqnaa SNM.
Kee mudan ma ninka riday dagaalkii sokeeye yabyabkii dhismaha dawladnimadda ee yidhi duco qaadan maayo ee AHN Cigaal qiray in dagaal mashruucaysan uu geliyey xilkiina ka qaaday markuu ogaaday uubta lagu riday iyo ninka lahaa Waar kadayaaya oo dhiig ha daadi Ina labadda dhinacba?
Ibrahim Mohamed Mecad wuxuu is diidsiinayaa in uu qiro cidda doonaysa in dalkan isbedel cadaalad iyo sinaan ku dhisani ka dhaco oo ah Inta ugu badan bulshada Somaliland oo maanta u dhiganta 85% ee ayna ahayn Faysal iyo Cirro ookeliya.
Meecaad wuxuu been ka sheegtay in cidda uu tilmaamay haddana uu magacooda shareeray in ay lug leeyihiin qoraalka SOG (Somaliland Observation Group) ee saamaynta ku yeeshay dawladii reer Galbeed ka xaqiiqsadayna runta xog badan oo uu xambaarsanaan Qoraalkaasi. Waana mid maanta Xukumadda Bixi maxsuulkiisa hayso.
CIrro iyo Faysal ama Waddani iyo UCID wax ay ka ogyihiin ma jirto cida qorta iyo meel ay ka soo baxdo SOG waxayna ula siman yihiin Muse Biixi iyo Kulmiye intay ka ogyihiin.
Sidoo kale eeda uu Meecaad u soo Jeedinayo muwaadiniinta labeenta bulshada ah ee ku hawlan deminta muranka siyaasadeed ee dalka ka taageen, lexejeclo weyna dalka qaba, waa gef iyo garab saar uu la saftay cida xukunka jidka qaloocan la martay.
Ibrahim M Mecaad aqoon ahaan iyo ayni ahaanba wuxuu ahaan lahaa kii ka hawl geli lahaa deminta khilaafaadka ee raaci lahaa labeenta iyo wax garadka bulshada Somaliland, laakiin imika waa caddaan waxaa fadhiga kaa soo kiciyey!
Cimri tegay iyo Xukuumad sii socota toona ceeb laguma sagootiyo.

https://www.facebook.com/kaise.ismail.5/posts/pfbid0EZRqDtpExDj2y3qoeV6BXaqhhGfDH3vug9PLPMvbtHfCN6CaPWTUUEHLi5G133NMl

Comments are closed