|

Xukuumadda Somaliland oo ergadii ganacsatada sheegtay in ay Waddani yihiin

Hargeysa 30 Aug, 2022 (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaacisay arin ugub ah iyo sir u qarsoonayd oo ah kalsooni aanay ku qabin ergadii ganacsatada ahayd ee khilaafka dhex dhexaadinaysay.

Xukuumaddu waxay ganacsatada ku tilmaantay in Waddani ay yihiin iyadoo xisbigaa ku shaanbadaysay.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in 5 ka mid ah ganacsatadu ay Waddani ahaayeen, isaga oo ka reebay Ismaaciil Axmed, mulkiilaha Worldremit.

Arintan ayaa daaha ka fayday in Muuse Biixi aanu cidna ku kalsoonayn oo aanu aaminsanayn suldaan, sheekh, ganacsade iyo cid walba.

Khilaafka siyaasiga ah ee Somaliland ka taagan ayaa laga cabsi qabaa in uu keeno amni daro iyo awooda oo lagu hardamo 30 sanno kadib.

Comments are closed