|

Dhulgariir ku dhuftay Turkiga oo khasaare geystay

Istanbul November 23, 2022 (SD) -Dhulgariir manta ku dhuftay dalka Turkiga ayaa la shaaciyay in ay ku dhaawacmeen tiro dad ah oo gaaraya 36 ruux ilaaiyo iminka inta laxaqiijiyay.

Dhulgariirka oo lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay degaan masaafo ahaan Itanbul u jiraa ilaa 170 km oo lagu magacaabo Golyaka.

Turkiga ayaa waxa ku soo noqnoqda dhulgariirada iyada oo sanadii 1999kii oo dalkaasi uu ka dhacay dhulgariirkii ugu weynaa oo lagu qiyaasay 7.1 ayaa waxa ku dhintay in ka badan 17 kun oo ruux.

Comments are closed