|

Dawlada Soomaaliya oo sheegtay dilka 49 Al Shabaab ah

Muqdisho November 23, 2022 (SD) – -Dawlada Soomaaliya ayaa manta shaacisay weerar isugu jiray hujuun iyo duqeyn ah oo ay wada jir u filiyeen kuwa Soomaaliya oo kaashanaya saxiibadooda caalamka ay ku dileen dagaalyanahano ka tirsanaa kooxda Al Shabaab,.

Weerarka oo ka dhacay Degaanka Buulo Madiina oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa dawlada Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay ilaa 49 xunoon oo al Shabaab ka tirsanaa.

Dawlada ayaa intaa raacisay in kooxda la weeraray laga gubay agab iyo gadiid ay damacsanaayeen in ay u isticmaalaan weero ay qorsheynayeen in ay halka ka soo maleegaan.

Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya iyo geeskaba ka dagaalnata ayaan wax war ah ilaa haatan ka soo saarin sheegasha dawlada ee weerarkan dhawaan lagu dilayay dagaalyahanadooda.

Comments are closed