|

Dibedbaxayaal lagu laayay Laascaanood

Laascaanood December 27, 2022 (SD) -Dibedbaxyo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa la sheegtay in ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac ka dib kolkii ciidamada amaanka ee gobolku ka hortegeen dibed baxayaasha.

Dibedbaxyada ayaa yimi ka dib kolkii shalay halka rag hubeysan ay ku dileen Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi)oo ka tirsanaa xisbiga Waddani iyo waxgaradka magaalada Laascaanood.

Dilka masuulka ayaan la sheegin cida kadanbeysa. Dadka gadoodsan ee reer Laascaanood ayaa shiiday xarumaha shirkadaha Telesom iyo Somtel.

Xukuumada Somaliland ayaa octobertii hore Gobolka Sool ka mustaafurisay ganacsato reer Koonfur ah oo ay ku eedeysay dilka waxgaradka Laascaanood, balse dalalka ayaa halkoodii ka sii socda.

Comments are closed