|

Soomaaliya oo u digtay Genel Energy

Muqdishu December 28, 2022 (QJ) – Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshaha shidaal baarista ee Genel Energy ka waddo Somaliland.

War saxaafada loogu talogalay oo kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashiga iyo sahminta sharci darrada ah oo ay sheegtay wasaardu inay shirkadda ka waddo deegaannada Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargalisay maalgashadayaasha shisheeye in Wasaaradda Batroolka tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan fasixi karta ogolaanshaha baarista sida uu dhigayo sharciga Batroolka Soomaaliya.

Shirkadda Genel Energy iyo Somaliland ayaa heshiis ku ah in shidaal soo saaris iyada oo qorshuhuna yahay in la bilaabo soo saaris sannadka 2023.

Comments are closed