|

Dibedbaxyo dad ku dhinteen oo weli ka socda Laascaanood

Laascaanood December 30, 2022 (QJ) -Waxa manta halkoodii ka sii socday dibed baxyadii sadexdii maalmood ee ina dhaafay ka socday magaalada Laascaanood.

Waxaana manta salaadii Jimce dabadii iswejahay dad gadoodsan oo dhagax tuurayay iyo ciidamad amniga magaalada, rasaasy ay ciidamadu ridayeena waxa ku geeriyooday alaha u naxariistee Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood, sidoo kalena waxa manta shaqaaqooyinka ku dhaawacmay taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

Ganacsiga magaalada ayaa xiran ilaa maalintii mudaharaadku bilowdeen. Somaliland ayaa ciidamo dheeri ah geeysay magaalada si rabshadaha ay wadaan dadka ka gadoodsan dilka waxgaradka iyo joogitaanka Somaliland loo hakiyo, waxaana maamulka amray in la bakhtiiyo intertka.

Halka Madax hore oo ka tirsanaa dawlada dhexe ee Soomaaliyana ay dhaliileen habdhaqanka Somaliland ee ku wejahan Laascaanood. Madaxda oo kala ahaa Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo qoraal wadajir usoo saaray ayaa ku canbaareeyay dadka lagu laayay magaalada.

Somaliland waxa ay ugu baaqeen iney ilaaliso Xuquuqda, badqabka Sharafka iyo dhiigga shacaboa Soomaaliyeed. I nta la ogsoonyaha shan ruux ayaa ku dhintay dibedbaxyada Laascaanood ilaa 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Comments are closed