|

Madaxweyne Geele oo bilad Sharaf la siiyay

Muqdisho December 30, 2022 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xaflad ka dhacday Villa Soomaaliya Billad Qaran ku guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Maxaweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jabuuti Billada Qaran uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay kuna baaqay adkeeynta iyo xoojiyta isku-duubnimada Soomaalida.

Madxweynaha Jabuuti ayaa dalkiisa dib ugu dhoofay manta. Soomaalida ayaa argtiyo kala duwan ka qabta xiriirka Ismaciil Cumar uu la lahaa madaxda kala duwan ee soo martay Villa Soomaaliya, sidoo kale reer Jabuuti ayaa qaarkood dhaliilaan hab hogaamineedka madaxweyne Ismaciil Cumar.

Comments are closed