|

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa 34 qof oo shacab ah ku diley duqeyn ay ka geysteen deegaanka Deir Azor ee dalka Suuriya

Deir Azor 12. September 2017 (SDN/QJ):- Diyaaradaha ayaa bartilmaameedsaday dadkan shacabka oo ka qaxayey deegannada ay dirirtu ka socotay, waxaan ay ku jiray sagaal carruur ahi. Sida ay sheegeen ururka korjoogta xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay Ingiriiska, waxa ay diyaaraduhu gareen in ka badan 40 huudhi oo ay wateen dadka qaxayey.

Weli wax war ah kamay soo saarin dawlada ruushku. Weerarkan ay fuliyeen diyaaradaha Ruushku wuxuu ka dambeeyey markii ay ciidanka qaranka Suuriya duulaan ku qaadeen deegaanka Deir AZ AZOR oo ay kula dagaalamayeen kooxda ISIS, ka dibna ay cirka ka taageereen diyaaradaha Ruushku. Sida ay sheegeen warbaahinta dagaalka ee Suuriya maamusho ciidanka suuriya ayaa gacanta ku hayo deegaan dhan 450 kiiloomitir ka bilaabmaya caasimada Dimishiq ilaa deegaanka Deir AZ AZOR markii ugu horaysay muddo afar sanno ah.

Ciidanka Kurdiyiinta ee xulufada la ah dawlada Suuriya iyo kooxaha Carabta ah ayaa shinacooda kaabiya ku haya deegaanka Deir AZ AZOR siĀ  dagaal ula galaan kooxda ISIS.

Sidoo kale ciidanka jabhada SDF ayaa ku dhawaaqay in la gaadhay xilligii kooxda ISIS laga sifeyn lahaa dhammaan dhulweynaha Suuriya.

Comments are closed