|

Haweeney U Dhalatay Sucuudiga Oo Ka Mid Noqotay Haweenka Dharka Xayeysiiya Oo Eedo Kulul Oo Loo Soo Jeediyay !

Riyadh 12. September 2017 (SDN/QJ):- Mujtamaca dalka Sucuudiga oo had iyo jeer ku adag caadooyinka iyo dhaqanka dalkooda, iyadoo  dhaqankoodu uu dhigayo in haweenaydu aanay marnaba kusoo bixi karin asturnaan la’aan.

Susan Al-qaadi ayaa waxay ka mid noqotay haweenka xayeysiiya Dharka, Susan ayaa waxay wax ka baratay kulliyada dhaqaalaha, kadibna waxay u kicitintay Dalka Maraykanka si ay uga soo barato maamulka iyo suuqgeynta dharka, Susan ayaa waxay sheegtay in tan iyo yaraanteedii ay arrintaasi ku hammiyi jirtay oo ay mar kasta u fiirsan jiray dharka kala duwan ee ay dadku xidhaan, Marka aan goobaha la isugu yimaado ku suganahay.

Susan ayaa aad looga dhalleeceeyay gudaha Dalka Sucuudiga waxaanay sheegtay inay arrintaasi u dhabar adaygtay,  waxa kale oo ay sheegtay in qoyskeedu markii ay ogaadeen guulaha ay gaadhay inay aad u taageereen, Susan ayaa haatan waxay joogtay Maraykanka muddo 6 sano ah waxanay ka qayb gashay bandhigyo kala duwan oo ka dhacay gudaha Maraykanka iyo Dalalka Qaarada Yurub ilaa iyo haatana dib ugumay noqon Dalkeedii hooyo.

Dhinaca kalena, Susan waxay adeegsataa baraha bulshada sidii ay suuqgeyn ugu heli lahayd dharka ay xayeysiiso.

Comments are closed