|

Djibouti: Doorashada GEELLE guul Caleemo saar ah, mise go’aan xor ah?

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad loo doortay Madaxweynaha  Dalka Djibouti, doorashadii dhacday maalinkii jimcihii . waxay ahayd doorasho natiijaddeedu iska sii cadahay in Ismaaciil Cumar Geelle ku guulaysan doono, balse jileyaasha Xisbiyada ku loolamayay ayaa muujinayey inay guulaysan doonaan.

GEELLE

Ra’iisul wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa Telefishanka Dawladda ka sheegay in Madaxweyne Geelle ku guulaystay natiijo wanaagsan Doorashada.

Saddex kamid ah Xisbiyada Mucaaridka ayaa sheegay inay qaadaceen natiijada Doorashada.

Ururrada xuquuqda Aadamaha ayaa ku eedeeyey  Madaxweyne Geelle inuu xadidayo xoriyaadka Aasaasiga ah.

Geelle ayaa kursiga Madaxweynaha Djibouti fadhiyey tan iyo 1999-kii, ilaa xilligaasoonu marna ka degin, isagoo bedelay Madaxweynihii hore ee dalkaas Alle u naxariistee Xasan Guuleed Abti doon.

Hogaamiyeyaasha Geeska Afrika ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Geelle, waxaana madaxweyneyaasha dhambaalada bogaadinta ah u jeediyey kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hogaamiyeyaal kale oo adduunka ah ayaa hambalyeeyey doorashada Ismaaciil Cumar Geele.

Waxa loo dhegtaagaya dareenka ay ku qaabilaan doorashadan Wadamada u ololeeya Dimuquraadiyada iyo tartanka xorta ah, sida maraykanka oo dano muhiim ah ku leh dalka Djibouti.

Caqabadaha horyaala Madaxweynaha la caleemo saaray

Caqabado badan oo ay ugu muhiimsanyihiin loollanka dhanka Siyaasada wadankiisa ee cidhiidhiga badani soo waajahayo ayaa horyaala Ismaaciil Cumar geele, iyadoo geesta kalena arrimaha ku gedaaman hogaamintiisa afarta sannadood ee uu kursiga sii joogo,  inuu wax ka qabtona laga sugayo ay kamid yihiin ka jawaabista dawanka ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha ee adduunyada uga imanaya.

Is-waafajinta danaha Siyaasadaha isdiidan ee waddankiisu marti geliyey, sida Saldhiga Milateri ee Shiinuhu ka samaysanyo dalkiisa oo lid ku ah xarunta Melateri ee Maraykanku hore ugu lahaa, ayaa iyaguna kamid ah arrimaha horyaala.

sidoo kale, doorkiisa ku aaddan nabad ku soo celinta waddanka Soomaaliya oo ah shaqo aad Maslaxad ugu  ah Mustaqbalka dalkiisa, muddo baddana uu kaalin ku lahaa dedaalo badan oo fashilay ayaa kamid ah caqabadaha heer gobol ee sugaya.

Gudaha Waddankiisa

Arrimahaasoo dhanse marka laga yimaado, howlaha ugu muhiimsan ee la rabo inuu wax ka qabto waxa kamid ah hir-gelinta nidaam debecsan oo la jaanqaada Caalamka, kaasoo Bulshada rayidka  ah iyo Saxaafadda u ogolaanaya xoriyad ku filan.

Waa inuu ogolaado in dib u habayn lagu sameeyo Sharciga dalka, gaar ahaan nidaamka Doorashooyinka si mustaqbalka uu waddankiisu u helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka duwan qaabka iminka ee cadaadiska badani saaranyahay tartameyaasha.

Madaxweyne Geelle sidoo kale, waxa looga baahanyahay inuu wax ka bedel iyo dardar gelin ku sameeyo hanaanka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee dalkaas.

ugu dambeyn waa inuu daadejin maamul iyo dawlad wanaag dhidibo adag ku taagan dalkiisa u hirgeliyaa muddada uu sii joogo xafiiska.

Comments are closed