|

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Fariin Digniin ah u Diray Mudanayaasha Baarlamanka DHAGAYSO

Muqdisho, 11 April, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiyaha baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ayaa digniin ku aadan amniga u diray mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya.

jawaariMaxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Afhayeenka mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa xusay munayaasha in laga doonayo inay lasocdaan xaalada amni ee ka jira dalka ayna feejignaadaan weeraro iyo qaraxyo lala eegto.

 

Jawaari oo lahadlayey Baarlamanka ayaa yiri, Waxaan rabaa inaan arrimaha qaar kood ka dar daarmo, “waa lagama maarmaan inaad ka foojignaataan oo aad aad uga foojignaataan qataraha amaanka la xiriira waa wax dhamaanteen noo dan ah” ayuu Yiri Mudane Jawaari.

 

Maxamed Shiikh Cismaan, wuxuu tacsi u diray dhamaan mudanayaashii baarlamanka Soomaaliya ee ku geeriyooday weeraro iyo qaraxyo ee qiimo weyn ugu fadhiyey xildhibaanada soomaaliya.

 

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya iyadoo magaalada Muqdisho lagu weeraray 5 Bishan  xildhibaan Maxamed Cali Daheeyo oo ka mid kamid ah mudanayaasha  oo laga dilay  labo kamid ah ilaaladiisa iyo darawalkii gaariga u waday.

Comments are closed