|

Dowlada Somalia Oo Mamnuucday In Dalka La Keeno Nooc Ka Mid Ah Gaadiidka & Xog Ku Aadan Sababta amarkani ku Yimid

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucay in dalka la keeno nooc ka mid ah gaadiidka yar yar ee raaxada.

 

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada ay mamnuuceyso in Gudaha Soomaaliya la keeno Gawaarida dhanka Midig Isterinka ku leh iyo Gawaarida Albaabkooda uu u furmo dhanka Bidix ee Wadada dhankeeda ah.

Maxamed Cabdulalahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in kulan ay la qaateen qaar ka mid ah Ganacsatada gaadiidka dalka soo geliya ay ku wargeliyeen inay joojiyaan keenida Gawaarida Isterinka ku leh dhanka Midig Albaabkana ku leh dhanka Banaanka ee Gacanta Midig islamarkaana Ganacsatadii ay ka aqbaleen.

Go’aankan ayuu sheegay iney uga gol leeyihiin arimaha amniga isla markaana mararka qaar ay dhici karto Shilal ay waxyeelo ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee gaadiidkan isticmaala.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaadiidka la mamnuucay uu hareer marsan yahay nidaamka socodka gaadiidka ee wadooyinka dalka.

Comments are closed