|

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug oo sheegay in ay hayaan xog ku saabsan Weeraro ay qorsheenayaan Al Shabaab

Mudug 23. June 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug  Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal oo warabaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Amaan ee Gobalka Mudug gaar ahaa Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha oo dhawaan loo magacaabay xilka uu hayo ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka muda kooban uu xilka taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug uu Hayo

Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in xaalada amaan ee Magaalada Gaalkacyo aad u wanaagsatahay  Ciidamada Booliska ay ku guleesteen soo Qabshada dad badan oo ka shaqeenayay  falal iskugu jira amni daro iyo dhaqan Xumo sida uu sheegay Taliyaha .

Taliyaha ayaa Amar waxa uu duldhigay shacabka Kunool Magaalada Gaalkacyo waxa uuna sheegay Qofkii aan qaadan kaarka  aqoosiga dhalashada in  ay  uqoonsanayaan in uu qayb ka yahay  dadka ka shaqeeyay Amni dara Gobalka Mudug.

Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu faray Taliyaha in aysan ka kireen karin Hoteeladooda Qof aan wadan kaar aqoonsiga Puntland ama kan degmada Gaalkacyo cidii amarkaasi ka dhaga adeegtana ay ka qaadi doonaan talaabo waafaqsan sharciga.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug ayaa sheegay in ay hayaan Xogo badan ku saabsan weraro Al Shabaab ay doonayaan in ay ka geestaan Puntland Gaara ahaan Magaaada Gaalkacyo waxa uuna shacabka ugu baaqay in la shaqeeyaan Ciidamada Amaaka si looga Hortago wax kasta oo lidi ku noqon kara Amaanka Gobalka gaar ahaa Magaalada Gaakacyo .

Comments are closed