|

DP World oo ka Warrantay Lacagta ku Baxaysa Adeegyo ay ka Fulinayso Somaliland

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Shirkadda DP World ee maamusha dekedda Berbera, ayaa sheegtay inay 2 Milyan oo Doolar u qoondeysay inay geliso mashaariic lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee ka jira gobolka Saaxil iyo degaanno kale oo ka tirsan Somaliland.

Siday baahisay Khamiistii  Dubai News, Shirkadda ayaa  caddaysay inay afar ceel ka qodayso  magaaladda Berbera, halka saddex kalena ay ka hirgelin doonto degaano ka baxsan gobolka Saaxil, halkaasi oo ay biyo yaraani soo waajahday dhowaan.

Saddexdii qof ee reer Somaliland ahba mid ayaa heli kara biyo nadiif ah. DP World waxa kale oo ay maalgelin doontaa cusbitaalka guud iyo cusbitaalka maskaxda ee magaalo xeebeeda Berbera si dadka degaanku ay uga kaaftoomaan inay u safraan magaalo kale xilliga ay u baahdaan adeeg caafimaad.

Guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan horumarinta degaannada ay ka hawlgalaan shirkad ahaan, waxaanu yidhi; “Waxa naga go’an oo aanu u heelan nahay inaanu ka shaqeyno horumarinta degaannada aanu ka hawlgalo. Taageeradayaduna waa mid u muhiim ah bulshada. Waxaanan sii wadaynaa iskaashiga dhow ee aanu la leenahay dawladda Somaliland iyo shacabka degaankaba.

Tan iyo wakhtigii ay  la wareegtay marsadda Berbera, waxay kaalin ka gaysatay wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah. Waxaanay xiligii abaarta guddida gurmadka abaaraha Saaxil ku wareejisay 4.5m oo biyo ah.

Sidoo kale siday ku warantay Dubai News ,  waxay waxtartay DP World 11 dugsi, kulliyada culuumta Badda ee Berbera iyo xarumo caafimaad. Sidoo kalena si wax looga qabto cunto yaraanta iyo macaluusha waxay raashin gaadhsiisay ilaa 3000 oo qoys.

Dawladda Somaliladn iyo shirkadda DP World waxay sannad ka hor wada galeen heshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera, waxaanu heshiiskaasi qaadan doonaa muddo 30 sannadood ah.

Comments are closed