|

Marxuun C.raxmaan Talyanle Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa Iyo Madaxda Qaranka Oo Ka Qayb-galay DAAWO

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Alle Naxariistii Janno haka Waraabiyee, waxa Xabaalaha Naaso-hablood ee Magaalada Hargeysa lagu aasay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo habeen Saddexaadkii ku Geeriyooday Dalka Hindiya.

Marxuum Talyanle oo Meydkiisa laga soo dejiyey Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa Salaatu-jinaasa lagaga Tukaday Masaajidka Tabliiqiyiinta ee Bariga Magaalada Hargeysa, waxaana markaasi ka dib loo gelbiyey Xabaalaha Naaso-hablood oo si Heer Qaran ah loogu aasay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Talyanle oo ahaa Shaqsi ku caan baxay Af-gaabni iyo Qunyar-socodnimo, ayaa waxa aaskiisa ka qayb-galay Boqollaal Qof oo Reer Somaliland ah, kuwaasi oo ay Hor-kacayeen Madaxda Qaranka Somaliland, sida Madaxweynaha, Shir-guddoonnada Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Madax-dhaqameed iyo Hal-door kale oo aad u tiro badnaa.

Madaxda kala duwan ee Qaranka oo Xabaasha Dusheeda ka jeediyey Hadallo Tacsi iyo Taariikhda Marxuumka u badnaa, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sheegay in Marxuum Talyanle ayaa Shaqsi Muxtarim ah oo Qaranka Somaliland ka baxay, Caana ku ahaa Af-gaabni, Dabacsanaan, Dad la dhaqan iyo Asluub, waxayna Alle uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkiisa, Carruurtiisii, Xaaska iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugu Dambayn, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo muddo dheer ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa intii dambe ka mid ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Comments are closed